WAR-SAXAAFADEED
Qodobada iyo Go’aamada Ka Soo Baxay Shirka Golaha Agaasinka PUNSAA (BOD)
Garoowe, 21-ka Nofeembar 2026: Waxaa maanta xarunta dhexe ee Dalladda PUNSAA ee magaalada Garoowe ka qabsoomay shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Agaasinka (Board of Directors – BOD) ee PUNSAA.
Shirka waxaa ka qaybgalay 13 xubnood oo ka mid ah 18-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Agaasinku. Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday, laguna falanqeeyey arrimo muhiim u ah horumarinta, maamulka iyo jihada mustaqbalka ee hay’adda PUNSAA.
Dood iyo falanqayn kaddib, Golaha Agaasinku wuxuu soo saaray qodobadan iyo go’aamadan:
- Ansixinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee PUNSAA 2027–2029
Goluhu wuxuu ansixiyey Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee PUNSAA ee muddada 2027–2029, kaas oo hagaya jihada horumarineed, yoolalka iyo mudnaanta shaqo ee hay’adda saddexda sano ee soo socda.
- Qabsoomidda Shirweynaha PUNSAA
Goluhu wuxuu isla qaatay qabsoomidda Shirweynaha PUNSAA, kaas oo loo asteeyey 28–29-ka Nofeembar 2026.
- Gudbinta Ururrada Cusub ee Golaha Guud
Waxaa la go’aamiyey in ururrada cusub ee soo codsaday xubinnimada PUNSAA, isla markaana buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay xubinnimada, loo gudbiyo Golaha Guud (General Assembly – GA).
- Dhammaystirka Khidmadaha Xubinnimada
Goluhu wuxuu go’aamiyey in dhammaan ururrada xubnaha ka ah PUNSAA ay muddo saddex maalmood gudahood ah ku dhammaystiraan bixinta khidmadaha xubinnimada iyo gudbinta xogaha kale ee looga baahan yahay.
- Hirgelinta Siyaasadda PUNSAA
Goluhu wuxuu faray dhammaan ururrada xubnaha ka ah PUNSAA inay xaqiijiyaan in xubinta ay u magacaabayaan matalaadda Golaha Guud ee PUNSAA aysan hayn xil dowladeed ama mid siyaasadeed, si loo ilaaliyo madax-bannaanida iyo hufnaanta matalaadda Golaha Guud.
Gunaanad
Dhammaan 13-ka xubnood ee ka qaybgalay shirka Golaha Agaasinka ee Maantay Ayaa Hab gacan taag ah ku ansixiyey qodobadaan.
Dhanka kale, waxaa la caddeeyey in laba xubnood oo ka mid ahaa Golaha Agaasinka ay lumiyeen xubinnimadoodii kaddib markii ay qabteen xilal siyaasadeed, halka saddexda xubnood ee kale ay dalka dibaddiisa ugu maqnaayeen fasax.
Go’aamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Dalladda PUNSAA ee lagu xoojinayo maamulka wanaagsan, hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo horumarinta hay’adda, iyadoo la diyaarinayo Shirweynaha soo socda iyo hirgelinta qorshaha istaraatiijiyadeed ee 2027–2029.
DHAMMAAD
Dalladda PUNSAA
Click here to download the PDF



