War-saxaafadeed

Dallada Ururrada Bulshada Rayidka (PUNSAA) ee Puntland waxay aad uga walaacsan tahay cadaadiska lagu hayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka iyo meelaha kale ee ay ka dhacayso doorashada golayaaasha deegaanka ee loo qorsheeyey inay qabsoonto 25ka Bishan May 2023.

PUNSAA ayaa iskaashi kala yeelatay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland in la xaqiijiyo dhawrista xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan in meel looga soo wada jeesto wax ka qabashada dhibaatada ka dhalatay ololaha doorashada ee ay wajahayaan barakacayaashu.

Cabashooyinka Dalladdu ay ka heshay dadka dhibtu gaartay iyo warbixinnada ay saxaafadda u soo bandhigeen ee muujinaya heerka cadaadiska iyo isticmaalka awoodeed ee loo adeegsanayo barakacayaasha si loogu khasbo in loo yeeriyo cidda ay u codaynayaan, waa wax aan la aqbali karin.

Arrimaha dhacay waa kuwo ka hor imaanaya Dastuurka, xeerarka doorashada iyo hababka anshaxa ee doorashada golayaasha deegaanka.

Codku waa xaq Dastuuri ah oo qofku leeyahay, qof walbana wuxuu xaq u leeyahay inuu si xor ah u doorto cidda uu doonayo. Barakacayaashuna waa muwaadiniin xaq u leh in ay codeeyaan, doortaanna cidda ay doonayaan in ay metesho.

Looma adeegsan karo awood aan waafaqsanayn nidaamka doorshada, la iskumana xiri karo xaqooda nololeed ee asaasiga ah iyo kooda doorashada sida dhacday maalmihii tegay.

Waxaan u soo jeedinaynaa Daneeyayaasha doorashada, Ururada Siyaasadda iyo Dawladda in ay caddeeyaan mawqifkooda ku aadan arrintan isla markaasna tallaabo deg deg ah oo isla xisaabtan ah laga qaado ciddii falalka noocaan ahi ku caddaado.

Guji, War-saxaafadeedka oo daabacan.

Scroll to Top