PUNSAA iyo WFP oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee PUNSAA

Waxaan maanta Xarunta guud ee Dallada PUNSAA ee Garowe kusoo dhoweenay Saraakiil sare oo kasocday Barnaamijka Cuntada Aduunka (WFP), waxay PUNSAA uga warbixiyeen mashruuca Baxnaano iyo mashaariicda kale ee ay dalka kawadaan. PUNSAA ayaa talooyin ku biirisay saraakiisha ka socday WFP gaar ahaan la xiriira kobcinta bulshooyinka nugul. PUNSAA waxay sidoo kale uga mahadcelisay WFP mashaariicda ay dalka ka fuliso iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Gunaanadkii kulanka ayaa labada dhinac wada xoojiyeen muhiimada ay u wada leedahay iskaashiga iyo wada shaqaynta.

Dhamaad

Scroll to Top