Bulshada rayidka ee Galmudug iyo Puntland waxay aad uga xunyihiin colaadaha sokeeye ee mudada sanad iyo barka ku dhow ka socday qaybo kamid ah deegaanada gobolka Mudug kaasoo ay ka dhalatay khasaaro Naf iyo Maalba leh, waxayna colaadahaasi ay barakiciyeen dad badan oo maato ah.
Waxaan ka tacsiyeynaynaa intii ku dhamatay iyadoo aan caafimaad u rajaynayno inta ku dhaawacantay.
Bulshada reer Mudug waa dad wada dhashay oo walaalo ah isla markaana uu ka dhexeeyo Dal iyo Deegaan uu ilaahay ku wada abuuray, waxayna mudanyihiin in ay ugu noolaadaan si nabad ah oo ay iska kaashaadaan horumarkooda.
Bulshada Rayidka ee Puntland iyo Galmudug waxay soo dhoweynayaan dadaalada iyo waan-waanta nabadeed ee ay wadaan Maamuladda, Isimada iyo waxgaradka Galmudug iyo Puntland, waxaana rajaynaynaynaa inay guulaystaan lagana gaaro xal waara oo ay ku naalloodaan bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Mudug.
Hadaba, waxaan si wada jir ugu baaqaynaa qodobada soo socda:-
1- In si degdeg ah loo kala qaado ciidamada is hor fadhiya si looga baaqsado isku dhac walba oo iman kara.
2- In la dadajiyo dadaalada nabadeed ee la doonayo in xal waara looga gaaro colaadaha soo noqnoqday.
3- Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada khilaafka iyo dirirtu dhex martay inay ilaaliyaan walaaltinimada ka dhaxaysa una diyaar garoobaan wadahadal dhab ah oo arintaas xal kama dambays ah looga gaaro.
4- Isimada Puntland iyo Galmudug waxaan ugu baaqaynaa inay si wadajir ah isaga kaashadaan heshiisiinta beelaha walaalaha ah, dhex dhigaana nabad waarta.
5- Dowladaha Galmudug & Puntland waa inay qayb lixaad leh ka qaataan dadaalada nabadaynta ee lagu doonayo in xal waara looga gaaro xiisadda galbeedka gobolka Mudug.
6- Hay’adaha Samafalka iyo Bulshada Soomaaliyeedba waa inay u gurmadaan qoysaska danyarta ah ee ku barakacay colaadaha sokeeye ee deegaanadaas muddada ka aloosnaa ayna kafaalo qaadaan agoonta iyo dadka nugulka ah.
Wabillaahi Towfiiq