Warsaxaafadeed ku Aadan Dhacdadii Barxada Garowe – Faafin Deg deg ah

Waxaa foolxumo iyo masuuliyad darro weyn ah in muwaadiniinta reer Puuntland u dhintaan si micno darro ah iyadoo laga baaqsan karo falalka liddiga ku ah amniga iyo badqabka muwaadiniinta.

Falkii maanta ka dhacay caasumada Puntland ee Garowe wuxuu ahaa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna Dallada Bulshada Rayidka ka digaysaa ku xad gudubka xuquuqda iyo sharafta dadweynaha, iyadoo waajib ay tahay in lala xisaabtamo falalka gurracan cidda masuuliyadeeda leh.

Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wax kasta oo xaalad amni darro abuuri karta taasoo ay ugu weyntahay isticmaalka awoodda, hadalada xanafta leh iyo si xun u adeegsiga barasha bulshada.

Ugu dambayn, PUNSAA waxay ka tacsiyeynaysaa muwaadinadii ku geeriyootay dhacdada maanta iyadoo Caafimaad degdeg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay.

Mahadsanadiin

Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA)

Scroll to Top