Soo dhowaynta Aqoonsiga Maamulka SSC-khaatumo

Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxay soo dhoweynaysaa War-murtiyeedkii kasoo baxay Dawladda Federaalka ee Maamulka SSC-khatumo.

PUNSAA waxay uga Mahadcelinaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya inay mar labaad taageertay go’aammadii Isimada Dhaqanka SSC-khatumo ee 6-dii feb, 2023.

PUNSAA waxay xoojinaysa dedaallada Dawladda Federaalku ku doonayso in Labada Maamul ee Somaliland & SSC-Khatumo ku wada noolaadaan Xasillooni, Daris wanaag & Nabad waarta.

Ugu dambeyn PUNSAA Waxay adkaynaysaa baaqa Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ah in Hay’adaha Dawladda, Bulshada Soomaaliyeed & Beesha Caalamku in gargaar bini’aadannimo oo deg-deg ah lala gaaro deegaannadaas iyadoo loo marinayo si toos ah Maamulka SSC-Khaatumo.

Scroll to Top