PUNSAA ayaa caawa qabatay kulanka isu-imaatinka Ramadaanka

Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ee Puntland (PUNSAA ) ayaa caawa qabatay kulanka isu-imaatinka Ramadaanka ee xubnaha iyo masuuliyiinta ururrada Bulshada rayidka ah oo ka dhacay Garowe.

Isu-imaatinka afurka waxaa ka qaybgalay Culimo, madaxda iyo hawlweedanada guddiga doorashooyinka Puntland iyo aqoonyahanno kale.

Muhiimadda isu-imaatinkan afurka ayaa ahayd in la xoojiyo wadajirka bulshada rayidka ah iyadoo laga faa’iidaysanayo bisha barakaysan ee Ramadan.

Madasha afurka waxaa laga soo jeediyay baaqyo ku aaddan in cod dheer loogu yeero daneeyayaasha wax ka qabashada dhibaatada bini’adannimo ee dadka ay saamaysay collaadda Laascaanood iyo in la dardargeliyo doorka bulshada rayidka ah ee ku wajahan doorashooyinka golayaasha deeganka ee soo socda.

Scroll to Top